Xog: Axmed Madoobe oo wada qorsho uu ku eryayo ciidamada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lasoo warinayaa inuu wado qorsho uu magaalada Kismaayo, gaar ahaan Dekadda Kismaayo kaga saarayo ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM.

Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa in qorshahaasi uu iminka kala tashanaayo Dowlada Somalia, IGAD iyo Xubnaha Taliska AMISOM ka jooga Somalia, waxa uuna doonayaa in Dekadda Kismaayo loo madaxbaneeyo ciidamada Jubba iyo Kenya.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Dowlada Ethiopia ka dalbaday in ciidamadeeda ay kala baxdo Dekadda Kismaayo, waxa ayna arrintaani ka danbeysay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Dowlada Ethiopia ayaa inta badan gacanta ku dhigtay Dekadaha iyo garoomada Somalia, waxa ayna taasi ula gol leedahay gumeysiga cusub ee kusii faafaaya Somalia.

Ciidamada dowlada ethiopia ayaa Dekadda Kismaaya kawada howlo dheeri ah oo aan loo igman, waxa ayna halkaasi kala soo degaan shixnado waxa ku jira aan la ogeyn.

Ma cadda sida uu arrinku noqon doono, waxaase loo badinayaa in ethiopia ay ku adeegi doonto Dekadda Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caaasimada@live.com