Xamar: Gabre oo la gudoonsiiyay liis ay ku qoran yihiin magacyad…

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay Villa Somalia, ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan Sheekh iyo Xildhibaan Faarax C/qaadir ay Dowlada ethiopia ku wareejiyeen liiska magacyada Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Liiskaasi lagu wareejiyay Wakiilka ethiopia u qaabilsan kala geynta Siyaasiyiinta Somalia Gen. Gebra.

Liiska loo gudbiyay Gebra ayaa waxaa ku qornaa ilaa 11 Musharax oo gabi ahaan ah kuwo uu si gaar ah uga cabsi qabo Xassan Sheekh, waxa ayna ka tageen tirro kale oo u muuqda kuwo aan waxba soo kordhin karin.

Liiska loo gudbiyay Dowlada ethiopia ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo hamiga Musharaxiinta.
Gudbinta liiskaasi ka sokow Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa wada qorsho musharaxiinta qaarkood lagu baqdin galinaayo si Qaarkood aysan u helin taageero iyo codadkii ay filayeen.

Dowlada ethiopia ayaa teegeero muuqda iyo mid aan muuqan u muujineysa Xassan Sheekh si uu mar kale ugu soo laabto xilka uu iminka hayo, iyana u gurato kheyraadka dalka.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com