Keating oo Ethiopia u ogolaaday inay gumeysato Somalia (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia, Micheal Keating ayaa la sheegay in Dowlada ethiopia uu ka aqbalay in ciidamadeeda ay kaalin lixaad leh ka qaatan sugida amaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhaceyso.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom, ayaa warqad dalab ah usoo diray Micheal Keating taasi oo uu ku dalbanaayo in xarumaha doorashada sugida amaankooda laga qeybgaliyo ciidamada ethiopia ee aan si rasmi ah uga howlgalin magaalada Muqdisho balse ka howlgala Gobolada dalka qaarkood.

Micheal Keating, ayaa Wasiir Tedros u rumeeyay rayadiisa waxa uuna u qoray qoraal uu kaga jawaabaayay dalabkiisa, isaga oo si rasmi ah ugu ballanqaaday in arrinkaasi uu hirgalin doono islamarkaana ay aqbali doonaan.

Tedros ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku cadeeyay in wakiilka QM uu ka dalbanaayo in DFS uu u qoro qoraal ku aadan arrinkaani si ciidamada ethiopia ay safka hore uga jiraan xaqiijinta amaanka goobaha ay doorashada ka dhici doonto.

Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating ayaa inta badan Dowlada ethiopia ka saacida howlaha ay kaga baahan tahay Somalia, waxa uuna si sahlan qalinka ugu duuga dalabkooda.

Geesta kale, ethiopia ayaa rajo weyn ka qabta in Somalia ay galiso jawi jahwareer iyo gumeysi leh, si ay u hanato kheyraadka iyo Siyaasada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com