Khilaafka Puntland iyo Galmudug oo xoogeystay iyo dagaal laga…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya khilaafka ka dhex aloolsan maamulada Galmudug iyo Puntland kadib markii maamulka Puntland uu amni darada ka jirta deegaanadeeda ku eedeysay Galmudug.

Puntland ayaa sheegtay in Qaraxyada iyo dilalka is xigxiga ee ka dhaca deegaanada Puntland laga soo maleego Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee ay maamulaan Galmudug, waxaana hadalkaasi danqasho ka muujiyay Galmudug.

Xirsi Cabdi Barre oo ah duqa Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug ayaa sheegay in Puntland ay ku fashilantay Sugida Amniga deegaanadeeda.

Xirsi Cabdi Barre waxa uu sheegay inaan loo dulqaadan karin wararka ay Puntland hawada u marineyso Galmudug waxa uuna cod dheer ku sheegay in ajaafada ay ka xigaan dagaal.

Xirsi Cabdi Barre, waxa uu sheegay in Puntland ay ku socto wadadii lagu abuuri lahaa colaada, balse waxa uu cod dheer ku sheegay in eedeeynta noocaasi ah ay ka bixinayaan digniin.

Xirsi Cabdi Barre, waxa uu tilmaamay in Galmudug aysan afka ka qabsan doonin hadalka kasoo yeeraya Puntland, waxa uuna cadeeyay in Galmudug ay Puntland uga baahan tahay inay keento cadeyn ku aadan halka Galmudug looga sameeyo qaraxyada.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Guluf kale ee ka aloosma deegaanada Mudug aysan dan ugu jirin labada dhinac sida uu hadalka u dhigay.

Hadalada xun xun ee hawada leysu marinaayo warbaahinta ayaa horseedi karta in dib uu usoo laabto colaada ka dhex aloolsan Puntland iyo Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com