Sawirro: Arrin cusub oo kusoo korortay raashiinkii WFP ee lagu qabtay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili dhawaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay kasoo caga dhigatay Diyaarad siday Raashiin dhacay, ayaa waxa ay Dowlada Somalia war cad kasoo saartay baaritaan ay ku heysay raashiinkaasi.

Guddiga uu Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte u xilsaaray in ay soo cadeeyaan raashiinka WFP ee lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in raashiinka uusan dhicin balse raashiinka uu ahaa mid qoyay.

Guddiga ayaa sheegay in raashiinka uu gaaray qoyaan kaasi oo bedelay gabi ahaan muuqaalka qurxanaa ee raashiinka waxa uuna Guddigu cadeeyay in raashiinkaasi la isticmaali karo bilaa shuruud.

Guddiga oo ku howlan baaritaannada, ayaa kormeeray Raashiin ku jira Koteennaro yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo qaarkood ay wasakheeyeen roobabkii da’dayey maalmahan, hasa yeeshee Tayo ahaan aad u wanaagsan.

Guddigu waxa uu sheegay in Raashiinkaasi uu ku qoyay Bakhaarkii laga raray ee ku yiilay meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde, waxa uuna Guddigu intaa ku daray baaritaankiisa in Raashiinka loo waday Magaalooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ee Gobolka Gedo.

Madaxa Xafiiska WFP ee Somalia Layli Cali, ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in aan WFP raashiin dhacay u oolin gudaha Magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7