Xog: Dil iyo dhaawacyo xanuun badan oo ka dhacay magaalada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in xalay dil iyo dhaawacyo xanuun badan ay ka dhaceen degmadaasi oo ka tirsan gobolka Gedo ee galbeedka dalka Soomaaliya.

Iska hor imaad ka dhacay degmada Beledxaawo ayaa sababay geerida Baarliin Maxamed Aadan oo kamid ah haweenka degmada Beledxaawo oo si weyn loo yaqaanay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Dhacdada ayaa ka dambeysay kadib markii la sheegay in askar ay weerartay hoyga Sarkaal dhanka canshuuraha qaabilsan oo ku yaala degmada Beledxaawo, waxaana ku dhintay haweeneyda.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya isla degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in la dhaawacay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee degmadaasi iyo wiil uu dhalay.

Lama oga sababta ka dambeysay dhaawaca loo geystay gudoomiye ku xigeenka koowad ee degmada, balse wararka aan heleyno ayaa sheegay in askari carooday uu weeraray guriga gudoomiye ku xigeenka degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com