Axmed Daaci oo oraah cajiib ah ku qeexay xaaladda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci ayaa muddo kadib la hadlay warbaahinta, isaga oo ugu horeyn ka hadlay amniga gobolka Banaadir ee lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.

“Amniga gobolka Banaadir Culees badan ayaa ka jira, dhamaan amniga dalka ayuuna ka jiraa, mana sugi karaan amniga gudoomiye degmo iyo gudoomiye gobol, maxaa yeelay siyaasada dhan ayaa qalafsan, Dalka wuxuu u baahan yahay xogaamiye fiican”ayuu yiri Axmed Daaci.

“Annaga dadka miyiga ku dhashay ayaan nahaye, Ridu hadey jabto ratigu wuu qaadi karyaa, laakiin haddii ratiga jabo riddu ma qaadi karto, marka degmooyinka ma qaadi karaan dowlada, marka dowlada ayaa joogta oo dalka wax ay ka qabaneyso ayaan jirin”ayuu hadalkiisa kusii daray Daaci.

Axmed Xasan Cadow, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada haatan dhisan amni ahaan ay ka wanaagsaneyd dowladii KMG aheyd ee uu hogaaminayay SHeikh Shariif Sheikh Axmed.

“Waxaan isleeyahay dowladii hore amey ka ad adkeyd dowladan, sababtoo ah gudoomiye degmo amni waxba kama qaban karyo, hadduusan helin madax sare oo wax qabata” ayuu yiri Axmed Daaci.

Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya iyadoo la isku diyaarinayo doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya bilooyin kadib, magaalada Muqdisho-na inta badan ay dilal badan ka dhaceen tan iyo bilowda bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com