Xog: R/W CCC oo digniino u kala diray C/Weli Gaas iyo Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaraaha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali, ayaa digniino culus u kala diray Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ra’isul wasaaraha ayaa labada madaxweyne uga digay inay dib usoo celshaan colaadihii u dhexeeyay ee xalka laga gaaray, waxa uuna ku baaqay in la qaboojiyo wararka xanafta leh ee hawada leysu marinaayo.

Sharmaarke ayaa ka shanqariyay in labada maamul mid waliba uu mas’uul ka yahay amaanka iyo xasiloonida deegaanada maamulkooda islamarkaana DFS ay ka digeyso in arrimo la xiriira qalqal amni darro leysku eedeeyo.

Sharmaarke waxa uu sheegay inaanu jirin Qaraxyo iyo weerar ka dhan ah Puntland oo laga soo maleego dhanka Galmudug, balse waxa uu ku taliyay in la qaboojiyo hadalada xanafta leh ee hawada leysu marinaayo.

Madaxweyne Guuleed iyo C/wali Gaas ayuu ugu baaqay inay xasiliyaan eedeeymahaasi dib usoo celin kara colaadii dhexmartay labada maamulka ee xalka horay looga gaaray.

Dhinaca kale, Sharmaarke ayaa shacabka Puntland iyo Galmudug ugu baaqay inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com