Xog + sawiro: Xasan oo saaxiibkii u magacaabay xil aad u culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, isaga oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Maxkamada.

Madaxweynaha ayaa xilka Maxkamada u magacaabay Sheekh Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, oo horey u ahaa Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulalka Gobolka Banaadir.

Sheekh Saalax Sheekh, ayaa kamid ah garabka Madaxweynaha dalka ku garbiya Siyaasada, waxa uuna sidoo kale kaalin muuqata kasoo qaatay xalinta kacdoonada Siyaasadeed ee sida isdaba jooga uu ula kulmi jiray Madaxweyne Xassan tan iyo markii xilka uu qabtay.

Sheekh Saalax ayaa xubin firfircoon ka ah isbaheysiga madaxweyne Xasan sheekh ee loo yaqaan ”Damul-Jadiid”.

Sheekh Saalax ayaa ah qunyar socod aan ku dhiiran inuu kasoo dhexmuuqdo isbaheysiga uu kamid yahay, waxa uuna aalaaba iska fogeeyaa waxyaabaha muuqda ee isbaheysiga uu qabto.

Sheekh Saalax ayaa wax kusoo bartay Dalka Sudan waxa uuna kamid ahaa ragga kaalinta ka qaatay ololihii Xassan Sheekh uu xilka ku qabtay.

Wareegtada lagu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, ayaa la filayaa in lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowlada Soomaaliya, waxa ayna tani qeyb ka tahay isbadalka lagu sameenayo Garsoorka dalka.
Saalax 1

saalax 2