Xog: Khilaaf soo kala dhex-galay taliye ku xigeenada booliska DF oo la xaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu guuleestay in la soo geba-gebeeyo khilaaf culus oo maalmihii la soo dhaafay ka dhax taagnaa taliye ku-xigeenada Booliiska Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa qaabka shaqada Booliska.

Taliye ku-xigeenka koowaad ee Booliiska Cusmaan Maxamed Kaniif, ayaa la wareegay xoogga shaqada booliska iyo socodsiinteeda halka wadista shaqada booliska laga jooyey Janaraal Zakiye Xuseen inta uu dalka joogo ku-xigeenka koowaad marka laga reebo shaqooyinka uu isaga u dirsado.

Sidoo kale waxaa dood adag la geliyay in la kobciyo ama sare loo qaado Akoonada Facebook iyo Twitter ay ku leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliya si loo joojiyo baahinta wararka booliisla ee Akoonada gaarka ah sida kan Jeneral Zakiya.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wixii ka dambeeya heshiiska dhinacyada kadib la isla ogaado wararka ay boggeeda ku daabacdo Jeneral Zakiya ee la xiriira howlaha booliska islamarkaana ay ka talageliso taliyaha iyo ku xigeenka koowaad si loo baahiyo wax la isku ogyahay.

Hadda ma jiro khilaaf dhinacyada u dhaxeeya balse waxaa dhowr maalmood ka hor lagu guuleestay in la xaliyo khilaafkaas oo muddo dheer soo taagnaa, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Saraakiisha Booliiska Soomaaliya.