Xog: Khilaafka HirShabeelle iyo Wasaaradda Maaliyadda DF oo weji kale yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa qiray in ay is hor-taageen lacago malaayiin dollar ah oo la damacsanaa in la musuq maasuq, lacagtaas oo loogu tala-galay HirShabeelle, arirntan ka duwan hadalkii wasiirka maaliyadda Beyle ee ahaa inaysan jirin lacag la is-hortaagay 

Dadka aan la hadalnay oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka maamulka iyo wasaaradda ka bilaawday shirkado aan jirin oo ay soo gudbiyeen madaxda HirShabeelle si loo siiyo mashruuca dhismaha. 

“Shirkado aan la aqoonin oo saldhig iyo xafiis laheyn, oo waligood shaqo qaban oo ah dad iska socda magac shirkad wata Documents soo daabacday ayaa naloo keenay oo la yiri lacagta u dhiiba markaa baarnana waan ku aamini weynay,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. 

“Waxaan go’aansanay inaa tartansiino kuwa la yaqaano ee xaqa u leh, dagaal ayaa kala kulanay maamulka iyaga ayaana leh shirkadaha Fake ah, ugu dambeyn kuwii tartamay ayaa howsha qaarkood billaabeen waana sababta waxa keenay warqada maamulka ka soo baxday,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan oo aan qarinay magaciisa. 

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor beenisay in ay is hortaagaty lacago deeq ah oo loogu talagalay HirShabeelle kadib markii ay sidaas sheegeen madax ka tirsan HirShabeelle. 

“Waxaan cadeynaynaa in Wasaarada Maaliyadda DFS aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay ka xayirtay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna sida ku cad qorshaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ay howluhu u socdaan sidii loogu talagalay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

“Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Guddiga Ka hortagga Fatahaadda ee Hirshabelle ka codsanaysa inay caddaymo ka bixiso lacagaha ay ku eedeyeen in dawladda dhexe ka xayitray wax ka qabashada fatahaadda degaanada HirShabelle.”