Muxuu taliyaha Africom kala hadlay Axmed Madoobe?

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo maanta kula kulmay Taliyaha howlgalka Mareykanka Afrika ee AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku tegay Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa taliyaha la qaatay kulan ay uga wadahadleen sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaallanka kooxda Al-Shabaab oo haatan Jubbaland ka heysta deegaano badan oo ay ku jirto caasimadda rasmiga ah ee maamulkaas, waa Bu’aale.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku yimid Jubaland. Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee Madaxtooyada Jubbaland.

4-tii bishan May ayuu sidaan oo kale Axmed Madoobe Kismaayo ku qaabilay saraakiil ka socotay ciidamada Mareykanka ee AFRICOM qeybtooda ka howlgasha Soomaaliya, waxayna xilligaas Jubaland shaacisay in kulankaas diiradda lagu saaray ka hadalka is kaashi la xariira la dagaalanka Al-Shabaab.

Hoos ka Daawo kulankii dhex-maray Axmed Madoobe iyo Taliyaha