Xog: Sidee loo shirqoolay yaase ka dambeeyey dilkii Sheekh CALI DHEERE?

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Xiisad ka dhalatay dilkii Talaadii lasoo dhaafay ee 11 Bishan loo geystay Sheekh caan ahaa oo meydkiisa laga helay xero u dhow magaalada Galdogob ayaa ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Mudug.

Sheekha la dilay oo lagu magacabi jiray Sheekh Cali Axmed oo ku magac dheeraa (Sheekh Cali Dheere) ayaa waxaa markii hore laga afduubtay gurigiisa oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana markii dambe meydkiisa oo si xun loo dilay lasoo dhigay meel 15 km u jirta halkii markii hore laga afduubtay.

Sheekha la dilay oo ahaa qof ka shaqeeyo howlaha safamalka, gaar ahaan u gargaaridda ilmaha agoonta ah, sidoo kalana ahaa madaxii guud ee Jaamacadda Imaami Nawawi ee Mudug ayaa waxaa dilkiisa ka dhashay banaanbaxyo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo lagu dalbanayo in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyey dilkiisa.

Waxaa jiro warar kala duwan oo kasoo baxayo ciddii ka dambeysay dilkiisa, ayada oo xog horudhac ah ay si gaar ah u iftiimineyso sida loo shirqoolay Sheekh. 

Waxaa in muddo ah Sheekha la dilay daba joogtay Hay’adda CID iyo Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo Sheekha xiray dhowr jeer oo kala duwan oo markii ugu dambesay ay aheyd Bishii April, markaasi oo su’aalo lagu waydiiyey Xarada ay dagan yihiin Ciidamada Danab, waxaana Su’aalaha waydiineysay Hey’adda CID, ayada kiiskiisa ay la wareegtay qeyb kamid ah CID oo si gaar ah u baarta dadka loo heysto inay ka ta tirsan yihiin Argagixisada.

Hey’adda CID iyo Guddiga Amniga Gobolka Mudug ayaa Sheekha ku eedeeyey inuu xiriir  la leeyahay kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab, waxaana markii ugu dambeysay laga qaaday taleefoon la sheegay inuu Sheekha u isticmaali jiray lacagaha uu siiyo Ilmaha Agoonta ah ee uu caawiyo.

Waxaa dhashay tuhun ku aadan in hey’adadaha Amniga ee Gaalkacyo ay ka dambeeyeen dilka Sheekha, waxayna taas keentay in Magaalada Dhuusamareeb laga soo diro xubno ka tirsan Booliska Galmudug si ay baaritaan ugu sameeyaan Saraakiisha Hey’adda CID ee Magaalada Gaalkacyo ee tuhunka soo galay.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, baaritaanka ay sameeyeen sarakiisha ka tirsan Ciidamada Booliska ee Gaalkacyo gaaray ayaa si horudhac ah loogu ogaaday in dilka Sheekha uu yahay mid la xiriiro aano qabiil, islamarkaasna loo adeegsaday qaar ka tirsan Ciidamada booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo.

Yaa ka dambeeyey dilkiisa?

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa dilka Sheekha lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey askari ka tirsan Booliska Federaalka Soomaaliya oo lagu magacabo Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan.

Cabdisalaan ayaa dhawaan waxaa laga soo wareejiyey saldhigga Booliska Galdogob, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxayna xogta sheegeysaa inuu kamid ahaa askar ka tirsanaa Saldhigga Booliska Gaalkacyo oo loo xil saaray baaritaan lagu hayey Sheekha la dilay, isagoo si gaar ah u ahaa askarigii xabsiga kasoo saari jiray marka la wareysanayo Sheekha.

Maalmo ka hor dilka Sheekha, ayuu Cabdisalaan ka goostay Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo kadib markii ay meel xun gaartay xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna 10-kii Bishii May soo wacay Sheekha dilka loo geystay oo kasoo jeedo Beesha dishay ninka ay qaraabada yihiin Cabdisalaan, isagoo u sheegay inuu ka socdo saldhigga loona soo dhiibay taleefoono horey looga qaaday Sheekha.

Markii uu Sheekha usoo baxay banaanka gurigiisa ayaa waxaa gaari ku gaxeystay Cabdisalaan iyo 2 askari kale oo watay baabuur gaar ah, waxaana saacado kadib ku dileyn meel u dhow Galdogob oo markii hore laga soo badalay Cabdisalaan.

Booliska Soomaaliya ayaa billaabay baadi goobka eedeysane Cabdisalaan oo la sheegay inuu baxsad ka yahay gacanta Booliska kaasoo loo heysto dilka Sheekh Cali Dheere.

Eedeysanahaan ayaa la rumeysan yahay inuu u gudbay deegaanada Soomaali Galbeed, waxayna Booliska codsadeen in lagu soo war geliyo haddii la arko eedeysanahaan.

Dhanka kale waxaa Magaalada Gaalkacyo gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Kaniifa si loo dajiyo xiisadda ka dhalatay dilka Sheekha, sidoo kalana cadaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyey dilkiisa.