Xog: Khilaafka u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo DF oo meel aad u xun gaaray

Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafka u dhaxeeya maamulka isku magacaabay Jubbaland ee kajira magaalada Kismaayo iyo hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah ku xigeenka Axmed Madoobe ayaa warbaahinta u sheegay in ay garoonka diyaaraaha Kismaayo ka celiyeen Jeneraal Cali Bogmadoow oo Farmaajo uu usoo magacaabay taliyaha guutada 43-aad ee ciidamada dowladda.

Taliyaha cusub ayaa markii loo diiday in uu caga dhigto magaalada Kismaayo wuxuu ka dagay dhanka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo halkaas oo uu ka sheegay in si xun loola dhaqmay.

Wuxuu sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka ay ka shaqeyn doonaan deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo iyagoo aan cidna uga heybaysaneyn wuxuuna ku eedeeyay maamulka Axmed Madoobe in uu ku kacay fal halis ku ah wax uu ugu yeeray jiritaanka dowladnimo.

“Falka dhacay maahan wax ku haboon dowladnimada Aniga iyo Saraakiil kale oo ila socotay markii ay garoonka caga dhigatay diyaaraddii na wadday intaanan ka dagin waxaa noo yimid labaatan wiil oo askar ah oo aysan la socon wax masuuliyiin,waxayna noo sheegeen in aanan ka dagi Karin diyaaradda anaguna sidii ayaan yeelnay oo Garbahaarrey ayaan u duulnay,waxaana kuu sheegayaa in bartilmaameedku uu aniga ahaa” ayuu yiri Taliye Cali Bog-madoow.

Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbalanad ayaa isna ku eedeeyay Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre in ay ku dhaqaaqeen fal ay ku kala qeybinayaan maamulka ‘Jubbaland’.

“Madaxda dowladda waxay soo magacaabeen taliye cusub iyadoo taliye Saxardiid Muqdisho ku suganyahay, taliyaha lasoo magacaabay wuxuu halis gelin karaa ammaanka deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland sidaas ayaan uga celinay Kismaayo” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Qoraal bishii lasoo dhaafay uu Axmed Madoobe udiray Farmaajo ayaa muujinayay heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ee ku aaddan arrinta ciidamada.

Maamul goboleedyada kajira Soomaaliya ayaan aqoonsaneyn dowladda Fadhiidka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho waxayna maamulladaasi ka amar qaataan itoobiya iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com