Xog: Khilaafkii QM iyo DF oo berri la xalinayo iyo wafti culus oo Xamar imanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maalinta berri ee arbacada ah ay si rasmi ah u xaliyaan murankii ka dhashay cayrintii Soomaaliya ee wakiilkii QM ee dalka, Nicholas Haysom.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in berri ay Muqdisho iman doonto kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda, Rosemary DiCarlo.

Ms DiCarlo ayaa madaxda Soomaaliya kala hadli doonta, sida ay QM iyo Soomaaliya u wada shaqeyn lahaayeen, islamarkaana loo xallin lahaa murankii dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in imaanshaha Rosemary DiCarlo uu sidoo kale billow u noqon doono dib u billaabashadii rasmiga ah ee howlihii xafiiska QM ee Soomaaliya, oo tan iyo markii uu muranka dhacay si gaabsi ah u shaqeynayey.

Inta badan, shaqalaaha QM ee Muqdisho ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi muddo bil, sababo lagu sheegay amni, kadib weerarkii hoobiye ee lagu qaaday xafiiska QM ee xarunta Xalane, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in arrimo siyaasadeedna aysan meesha ka marneyn.

Rosemary DiCarlo, ayaa sida ay Caasimada Online ogaatay, kala hadli doonta madaxda Soomaaliya soo magacaabista wakiilka cusub ee QM ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com