28.3 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

XOG: Kismaayo oo loo ogolaaday hal masuul oo DF Soomaaliya ka tirsan iyo saraakiil laga eryay!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya laga soo eryay magaaladaasi kuwaasi oo Kismaayo u joogay arimaha isku dhafka ciidamada.

Saraakiisha laga soo eryay magaalada Kismaayo ayaa gaareysa sida xogta aan ku heleyno ku dhawaad 13 sarkaal kuwaasi oo dhamaantood laga soo daad gureeyay Kismaayo.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in loo ogolaaday magaalada Kismaayo inuu sii joogo wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.

Xogta ka dambeysay arintaasi ayaanan la ogeyn, laakiin saraakiisha dhamaan laga soo eryay magaalada Kismaayo ayaa kasoo jeeda gobolada koofureed ee dalka.

Jubbaland ayaa ku dhawaaqday iney xiriirka u jertay dowlada dhexe ee dalka Soomaaliya, lamana oga sababta wasiiru dowlaha loogu ogolaaday sii joogista Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News