Xog ku saabsan DAGAAL xalay ka dhacay albaabka madaxtooyada Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Faah-fahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare dhaliyay oo xalay ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada ee magaalada Cadaado.

Iska hor-imaadka oo ahaa mid kooban ayaa dhex maray ciidanka Nabad Sugidda iyo ciidan maleyshiyo beeled ah oo hubeysan, kuwaasi oo weerar kusoo qaaday ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee ku sugan Cadaado,

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in laba qof ay ku dhaawacmeen dagaalka, oo mid ka mid ahi uu yahay shacab, halka qofka kale uu ka tirsanaa dhinacyada dagaaalmay. waxaana wararku ay intaas ku darayaan in laga yaabo in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay.

Wali mas’uuliyiinta Nabad Sugiddu kama hadlin iska hor-imaadka, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Cadaado oo ku aaddan dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda magaaladu ay daggan tahay, oo aysan jirin wax dagaal ah oo ka socda, waxaana dadka degaanka ay soo sheegayaan in xaaladdu ay sidii hore kusoo laabatay.

Ma cadda waxa sababay in Ciidanka u abaabulan hab beeleedka ay weeraraan Ciidanka Nabad Sugidda, waxaana ilaa iyo hadda aan lahayn saababta rasmiga ah ee ka dambeysay in iska hor-imaadkaasi uu dhaco.