Yaa qaadaya mas’uuliyada fashil ku yimaada heshiiska doorashada Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa bartamihii iyo dhamaadkii bishii 9-aad ee sanadkaan waxay Muqdisho ku gaareen heshiis siyaasadeed ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo nuuca ay noqon doonto, waxaana ogolaaday Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiskaas maalmo kadib, waxay sidoo kale dhinacyadu soo saareen jadwal doorashada lagu gaarayo iyo qaabka loo soo magacabayo guddiyada doorashada ee dowlad gobaleedyada iyo dowladda dhexe.

Sida ku cadeed heshiiskii dambe, waxay aheyd in guddiyada la soo magacaabo inta u dhaxeysa 10-ka ilaa 20-ka Bishaan, ilaa hadana ma suurta gelin arrintaas, inkastoo warar qaar ay sheegayaan in Puntland ay gudbisay xubnaheeda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo arrintaan ka hadlay ayaa maalmo ka hor soo saaray xasuusin ku socoto maamul gobaleedyada isagoo ku mudeeyay in ugu dambeyn ku soo dirsadaan xubnaha matalaya 20-ka bisha oo Talaadadii ku beegneyd.

Dhamaan arrimahaan ayaa muujinaya inuu fashilmay heshiiskii ay dhinacyadu galeen una baahan yahay in la badbaadiyo. Dad badan ayaa muujinaya walaac badan oo ku saabsan qal qal xoog leh oo ka jira doorashada Soomaaliya.

Haddaba, yaa qaadanaya masuuliyadda fashil kasta oo ku yimaada heshiiska doorashada Soomaaliya?

Dr. Ibraahim Cali, oo ka mid ah aqoonyahaanada magaalada Muqdisho islamarkaana bartay cilmiga siyaasadda, ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadan doonto mas’uuliyada ugu weyn ee fashil kasta oo dhaca.

“Fashil kasta oo dalka ka dhaco waxaa leh dowladda, kan doorashadana waa midda ugu weyn oo ay qaadan doonto, sababtoo ah waxaa jira wax badan oo si hoose loogu heshiiyay oo ka dhaqan geli la’ dhinaca dowladda, waxayna arrintaas sababtay in maamul gobaleedyada caga-jiidaan,” ayuu yiri Dr Ibraahim Cali.

“Maamul gobaleedyada qeyb waa ka yihiin fashilka balse waa looga badan yahay maxaa yeelay, dowladda ayaa leh hoggaanka dalka, ayadaana laga rabaa oofinta ballamaha, aniga waxaan qabaa labada dhinacaba waa leeyihin masuuliyada balse dowladda ayaa leh tan ugu weyn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr. Ibraahim.

Wali ma jirto ilaa hadda cid kale oo arintaan ka hadashay islamarkaana ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada iyo xisbiyada Mucaaradka ah. Heshiiska doorashada Soomaaliya ayaa dhigayay in si rasmi ah doorashada Soomaaliya u bilaabato 1-da bisha November ee sanadkaan mana muuqato rajada arrintaas.