Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo xulufadiisu ama xisbigiisu waxay doonayeen in Puntland ku adkaysato diidmadada 4.5, waqtigu is guro, dabadeedna ku doodo in mudada loo kordhiyo dowladda, si aysan meesha uga bixin haykalkii dowladnimo.
Muddadii dheerayd ee ay talinaysey Dowlada Xasan Sheekh marna kuma uu tala-galin inuu dadka Somaliyeed gaarsiiyo Dorosho xor ah, waayo dani uguma jirin.!
Haddaba, hadday Puntland diiday 4.5, cid la garwaaqsata xumaanta nidaamkaana weydey, waxaa lasoo gudboonatay arimahaan oo aan Dani ugu jirin Soomaalida:-
1-Inay ku adkaysato Puntland diidmadeeda oo uu ka faa’iidaysto Xasan, waqtina loogu daro, taasna dan uma aha Somali oo dhan.
2-Inay Puntland ku dhawaaqdo inay Somalia ka go’do, waana baaba’a iyo kala taga Somaliya, cidna dani uguma jirto.
3-In qalalaaso iyo xiisad laga abuuro dhexdeeda, layskana horkeeno dadkeeda, middaana waa dibu-dhaca dalkeena iyo dadkeena.
Sidee Xeero loo xagtaa, Ilkana u nabad galaan.! Haddaba waa caqli iyo aragti dheer in Mowqifkii adkaa lagu badasho mirahaan:
1-In la kala diro Gudigii Doroshooyinka, isfaham-waaga dhaliyey, mid cusubna la magacaabo, loona wada dhan yahay.
2-In Puntland soo xulato dad ma-tali kara, oo ay kalsooni ku qabto, somalida kalana sidaas oo kale samayso.
3-In Aqalka sare laga hormariyo kan Hoose, si aan khiyaamo danbe u dhicin.
4-In aan dib dambe loo arag 4.5.
5-In ay yaraato fursadda Xasan Sheekh kusoo laaban karo waayo Somalia afar sanno oo dibu-dhac ah buu baday.
6-In la helay Balan-qaade lagu kalsoon karo, fulinna kara heshiiskaan, iyo Adduunkoo markhaati ka ah, balanna qaaday inay fulaan, amar ILlaah ka sokow.
Maamulka Gaas, Odayaashooda iyo Odayaashooda waxa ay aaminsan yihiin in ficiladaasi ay Puntland ula gol laheyd badbaado Qaran.
W/Q Mahamud J. Farah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]