Xog ku saabsan weerarkii maanta ka dhacay duleedka MUQDISHO + Khsaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta rag hubeysan ay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka geysteen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Weerarka oo ay fuliyeen kooxo aan la garan ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey wadada Jabad Geele ee deegaankaasi oo ka tirsan Sh/Hoose.

Inta la xaqiijiyey waxaa rasaasta lagu faray gaarigaasi ku dhintay ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay mid kale.

Dhammaan dadka dhimashada iyo dhaawaca uu ka soo gaartay weerarkaasi oo dhalinyaro ahaa ayaa la socday gaariga la rasaaseeyey.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda weerarka fulisay inay dooneysay inay dhac u geystaan gaariga iyo dadka la socday.

Ilo deegaanka ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in ugu dambeyn ay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi.

Inta badan waxaa inta u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ka dhaca weeraro sababa khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac