Aqriso Magacyada: Cabdi Xaashi oo magacaabay xubnaha gudiga doorashada xildhibaanada G/Waqooyi

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa magacaabay 8-da Xubnood ee Guddiga Deegaan Doorashada Xildhibaannada ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland), isagoo hore u magacaabay Afartii xubnood ee Heer Federal ee Doorashada iyo Khilaafaadka.

Gudoomiyaha ayaa ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in xubnahaan lagu daro guddiga doorashooyinka Qaranka.

Waxaa xoogeystay khilaafka ka taagan guddiga doorashooyinka dadban gaar ahaan xubnaha gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa horey uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer Federaalka iyo kuwa maamulaya Doorashada Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble.

Khamiistii lasoo dhaafay Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa soo saaray Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa horay Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyay in uu doonaayo in uu afduubto doorashada xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso xubnaha uu Guddoomiye Cabdixaashi magacaabay: