Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dhismaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Somalia ka dhacay kulan u dhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ”Boorsaani” iyo Madaxda ugu sareysa Wasaarada kaasi oo looga hadlaayay Hanaanka dib usoo nooleynta maqaamka sare ee Gobolka Banaadir.
Kulanka oo ahmiyad gaar u leh Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu socday ku dhawaad laba saac waxa uuna bilowday abaaro 12:00 duhurnimo.
Guddoomiye Boorsaani iyo Madaxda ugu sareysa Wasaarada ayaa si qoto dheer u lafaguray sida Gobolka Banaadir uu matalaada ugu yeelan lahaa Aqalka sarre ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Boorsaani ayaa Mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaarada u sheegay in howshaani ay khuseyso Wasaarada iyo Maamulka Gobolka sidaa aawgeedna loo baahan yahay in la meel-mariye maadaama Madaxweynaha Somalia uu shaaciyay in Gobolka Banaadir ay siin doonaan maqaam gaar ah.
Wasiir ku-xigeenka iyo Mas’uuliyiinta kale ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa dhankooda ka ballanqaaday dardar galinta sida Gobolka Banaadir uu xubno uga heli lahaa Aqalka sarre ee Baarlamaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaboojiyay doodi ku aadaneyd gobolka Banaadir matalaada uu ku yeelan karo Aqalka sarre ee Baarlamaanka, markii uu ku dhawaaqay caasimadda Muqdisho in loo sameynayo maqaam gaar ah.
Madaxweyne Xasan, waxa uu qiray in Dastuurka uu ku qoran yahay in magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in maalmaha soo socda wada tashi badan laga geli doono sidii ay matalaad ugu yeelan laheyd Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Geesta kale, dood adag ayaa ka taagan sida Gobolka Banaadir lagu siin lahaa xubinimada Aqalka sarre ee Baarlamaanka, waxaana arrintaasi si xooli ah u dardar galinaaya Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

