Xog: Kulan uu Farmaajo la yeelan lahaa xildhibaanada beesha Dir oo fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegeyso xog ay heshay Caasimada Online, waxaa fashilmay kulan uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la yeelan lahaa xildhibaanada kasoo jeedo Dir ee ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kulanka oo caawa lagu ballansanaa inuu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya ayaa la baajiyey kadib markii ay diideen xildhibaanada qaar inay kulankaas kasoo qeybgalaan.

Xildhibaanada Dir ee kulanka ku ballansanaa ayaa isku khilaafay ajandaha kulanka iyo qorshaha laga leeyahay, waxayna taas keentay inuu baaqdo kulanka.

Sida ay xogta sheegeyso, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa doonayey inuu xildhibaanada Dir ka socdo inay codkooda siiyaan isagana uu u sameeyo ballan qaad xooggan oo xilal ah iyo lacag kaash ah marka dib loo doorto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku jira xaalad aad u cakiran oo dhanka xildhibaanada ah, waxaana lasoo sheegayaa in xildhibaano badan oo uu isku haleynay ay u goosteen dhinaca mucaaraadka taasoo cadaadiska kusii badisay.

Fahad Yaasiin oo ah ninka ugu saameyn badan kooxda Nabad iyo Nolol ayaa weli ku maqan magaalada Doha ee dalka Qatar, waxaana lasoo sheegayaa in Dowladda Qatar aysan weli fasixin lacagihii loogu talagalay in la siiyo xildhibaanada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa ololaha doorashada, waxaana aad u mashquulsan Hoteelada ay dagan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya maadaama ay soo buux dhaafiyeen xildibaanada taasoo muujineyso inuu dalka u socdo Isbadal hoggaamineed..

Waxaa Maanta billaabatay diiwaangelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa inay doorashada ku dhacdo waqtigii loogu talagalay ee ah 15-ka Bishaan.