Xog: Kulan xasaasi ah oo dhex maray Xasan Sheekh iyo Jawaari & ujeedkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kullan aan caadi aheyn madaxtooyada kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Osman Jawaari.

Ilo-wareedka ayaa inoo xaqiijiyay in Ujeedka Kulanka uu ahaa mid ay labada Mas’uul uga arinsanayeen Qodobo ku jira Dastuurka Somalia.

Inta uu kullanka socday ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan Sheekh ka codsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka in Afar qodob oo khuseeya Doorashada dalka, kuna jira dastuurka uu dib u eego.

Waxa uu ka codsaday inuu arrintaasi uu si gaar ah ugala shaqeeyo Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha dastuurka DF Faarax Sheekh C/qaadir.

Illaa iyo hadda lama shaacin qodobadan ku jira dastuurka ee dib u eegista lagu sameynayo, hase yeeshee waxaa la sheegay inay yihiin kuwa aan kala caddeyn oo la doonayo in xal laga gaaro inta aysan doorashada soo dhowaan, si aysan buuq u dhalin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu soo dhaweeyay baaqa Madaxweynaha, waxa uuna ka dalbaday in si deg deg ah loogu soo gudbiyo qodobada laga bedelaayo Dastuurka iyo kuwa lagu buuxinaayo.

Tuhunnada qaar ayaa ah in qodobada ay yihiin kuwa u daneynaya madaxweynaha, taasi oo haddii ay dhacdo abuuri karta qeylo dhaan ka timaada siyaasiyiinta kale ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com