Daawo: Xuseen Ceydiid oo mudo kadib soo hadlay arrimo badanna shaaciyey

Kampala (Caasimada Online) – Xuseen Maxamed Caydiid oo ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho, soona qabtay Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii KMG ayaa mudo 6 sano ah kadib, kasoo muuqday Warbaahinta, isla markaana laga dareemayo inuu ku yimid isbadal dhinaca muuqaalka ah.

Xuseen Ceydiid, ayaa waxa uu bixiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, oo uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, sida dowladda Soomaaliya iyo kooxda hoggaanka u haysa ee Damu-Jadiid, xiisadda Galmudug iyo Puntland iyo arrimo kale.

Muuqaalkaan cusub Xuseen Caydiid ayaa muujinaya isbadalka dhinaca muuqaalka ah oo ku yimid, waxaana laga dareemayaa inuu lumiyey miisaan badan oo jirkiisa ka mid ah.

Wareysigan ayaa waxaa looga qaaday magaalada Kampala ee dalka Uganda.