Garoonkii BELEDWEYNE oo la xiray !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inuu maalintii labaad uu xiran yahay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Wararku waxa ay sheegayaan in xirnaanshaha garoonka uu saameyn ba’an ku yeeshay kaddib markii uu roob xooggan ka da’ay magaalada.

Xirnaanshaha Garoonka ayaa waxaa xaqiijiyay Maxmed Ibraahim oo ah Maareeyaha garoonka waxa uuna sheegay in Roobabkii da’ay uu saameyn xoogan ku yeeshay Garoonka waxa uuna tilmaamay inay hakad galeen duullimaadyadii garoonka.

Waxa uu sidoo kale, Tilmaamay in gobolka Hiiraan aanu oollin qalabkii lagu dayactiri lahaa garoonka xilliyada roobka, taasina ay tahay nasiib darada ugu weyn oo heysata Maamulka kadib markii uu tilmaamay in halboolaha uu yahay garoonka, haddii uu shaqada ka fadhiistana ay tahay nasiib daro.

Dhanka kale, Waxa uu maareeyuhu codsaday in AMISOM iyo maamulka gobolka ay gacan ka gaystaan sidii dib loogu soo celin lahaa howlihii caadiga ahaa ee garoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com