SAWIRRO iyo xog dheeri ah: Socdaalka ra’iisul wasaare Cabdi Weli ee Garowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed iyo wafdi u hoggaaminayo oo maanta duhurkii soo gaaray magalada Garowe xarunta dowladda Puntland ayaa ka mahad celiyay soo dhawaynta diiraan ee shacabku u sameeyeen ka dib markii uu saxafadda isaga iyo madaxwayne Gaas madaxtooyadda kula hadleen.

Madaxwanaah Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horaysay uu Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Garowe yimaado hase ahaatee ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo u dhaxeeya Puntland iyo Federaalka.

Inkastoo Gaas uusan saxafadda faah faahin badan ka siin inay ka wada hadli doonaan khilaafka u dhaxeeya iyo sida lagu xalin karo ayaa wararka aanu ka helayno madaxtooyadda waxay sheegayaan labadaan masuul inay si hoos uga wada hadli doonaan dhamaynta khilaafka soo laalaabtay ee labada dhinac u dhaxeeya.

Wasiirka koowaad ee Xukuamdda Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay socdaalka uu Garowe ku yimi inuu yahay safar shaqo oo la filayo inay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan, sidoo kale Cabdiwali ayaa madaxda iyo shacabka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay magalo madaxda Puntland ugu soo dhaweeyeen.

Warar lagu kalsoon yahay oo xafiiska RW. Somalia ka helnay ayaa sheegaya Cabdiwali Shiikh inuu maalmo ku sugnaan doono magalada Garowe madaxda Puntland-na ay isla falanqayn doonaan khilaafka iyo sida xal lagu gaari doono.

Caawa madaxtooyadda ayaa lagu qabanayaa munaasida dad gaar ah lagu casumay oo lagu soo dhawaynayo masuuliyiinta Muqdisho ka yimi, maalinta barito ah ayaa la qorsheeyay inay madaxda Muqdisho iyo Garowe ay shir ballaaran isku soo hor fariistaan kasoo ka dhici doono xarunta wasaradda Caafimaadka Puntland.
yuul 2yuul 3yuul 4yuul 5yuul 6

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com