Muqdisho (Caasimada Online) Kulan xasaasi ah ayaa xalay ka dhacay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Kulanka waxaa ka qaybgalay xildhibaanno kor u dhaafaya 100-mudane,waxaana looga hadlay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa kaasoo hadda horyaalla baarlamaanka.
Ilo xog ogaal ah, kana qaybgalay kulanka ayaa Shabakabadda Caasimada Online u sheegay in xildhibaannada ay u ballan qaadeen raysal wasaaraha in uu ka badbaadi doono mooshinka laga keenay.
Magaalada Muqdisho, waxaa maalmahan ka socda gaar ahaan xafiisyada madaxweynaha iyo raysal wasaaraha kulamo xasaasi oo looga arrinsanaayo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.
Raysal wasaare Saacid ayaa dedaal ballaaran ugu jirra siddii uu uga badbaadi lahaa mooshinka laga soo gudbiyay, kaasoo maalinta Sabtida ee toddobadka dambe ka dhacaya xarunta golaha Shabacabka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho