KASHIFAAD: Shirqoolki ka dhanka ahaa badda SOMALIA oo soo laabtay iyo nin ku lug leh oo lala rabo R/Wasaare

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xasaasi ah oo aan helnay, ayaa muujinaya in xiligan ay si xoog leh ugu socoto magaalada Muqdisho olole ballaaran oo ay wadaan shakhsiyaad horey uga tirsanaan jireyey xukumadihii kala danbeeyey ee xiligii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Ololahan siyaasadeed oo ujeedadiisu tahay in dib loogu soo nooleyo heshiiskii qabyada ahaa oo qaybo ka mid ah badda Soomaaliya loogu oglaanayey in ay dowladda Kenya shidaal ka qodoto, ayaa waxaa hadafkiisu yahay sidii Ra’iisul wasaare ay kooxdaasi wataan loogu dhiibi lahaa dalka, marka ay jagadaas banaanaato oo la rido xukuumada hadda jirta.

Cadeymaha la helayo ayaa tibaaxaya in ragga howshaan xooga u wada ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Gudoomiyihii hore ee baarlamanka, Xildhibaan C/risaaq Jurille, C/raxamaan C/shakuur – wasiirkii hore ee qorshaynta oo isagu horey u saxiixay heshiiskii horudhaca ahaa iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke – Ra’iisul wasaarihii hore oo isagu ku sugan Nairobi, howshana halkaas ka xiriirinaya.

Sida xogta aan helnay ay sheegeyso, waxa ay kooxdani doonayaan in xilka Ra’iisull wasaaraha Somalia loo magacaabo nin qurba joog ah oo degan magalada London.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ninkan oo dagan hadda Hotelka Jazeera ee magalada Muqdisho uu heshiikaas la saxiixdey kooxdani oo uu matalayey C /raxaman C/shakuur oo isagu ahaa ninka kasoo wadey London howshana kusoo qanciyey.

Lama garanayo in kooxdani ololahooda ku guuleysan doonaan iyagoo xiligan culeys wayn ku saaraya madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu meel mariyo magacaabidda ninka ay wataan.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa lagu warramay inuusan ka war-hayn dhagarta kooxdan iyo waxa ay damacsan yihiin, balse kaliya ay qal qaalo caadi ah ku wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com