Xog: Kulane Jiis oo qorshe xasaasi ah u jooga Doolow

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa kashifeysa qorshaha rasmiga ah ee Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo garan og-yahay Kulane Jiis oo shalay gaaray magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Kulane Jiis oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka 11-aad ayaa xililgaan qaadashada shahaadada xildhibaano ee bixinayaan guddiga doorashooyinka FIET kaga mashquulsan arrimo uu u dirsaday madaxweyne Farmaajo, xili maalintii lixaad ay xarunta guddiga ka socoto qaadashada shahaadada iyo aqoonsiga xildhibaanka.

Socdaalka Kulane Jiis ayaa la xiriirta fulinta qorshe hoose oo lagu fashilinayo dadaalka maamulka Axmed Madoobe uu ku doonayo in doorashada kuraasta 16-ka ee gobolka Gedo lagu qabto magaalada Ceelwaaq.

Kulane Jiis ayaa durbadiiba magaalada Doolow kula kulmay sarkaal ka tirsan dowladda Itoobiya oo Farmaajo iyo kooxdiisa ay la kaashanayaan damaca ay ku doonayaan gaarida qorshahooda.

Waxyaabaha laga wada-hadlay ayaa waxaa ka mid ah suurta-galnimada ah in ciidanka Eritrea lagu tababaray qaarkood la geeyo gobolka. Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday haddii ciidan dheeraad ah oo Itoobiyaan ah la geyn karo gobolka, balse taasi waxay iska horkeeneysa Itoobiya iyo Kenya.

Farmaajo ayaa rumeysan in doorashada Garbahaarey oo loo wareejiyo Ceelwaaq aysan waxba dhaamin in lagu qabto Kismaayo, ayna xaqiijineyso in Axmed Madoobe uu kusoo saaro cidda uu doono.

Rooble weli ma ansixin in doorashada loo wareejiyo Ceelwaaq. Waxaa sidoo kale qorshahan weli ansixin beesha caalamka. Rooble wuxuu doonayaa in doorashadaas dib loo dhigo ilaa tan madaxweynaha, balse waxaa taas diidan beesha caalamka. Xaaladdan ayaa ah mid cakiran

Dhinaca kale, Kulane Jiis ayaa hadal uu u jeediyay dadka deegaanka soo dhoweyntii loo sameeyay kadib wuxuu sheegay in Doolow uu u yimid wadatashi uu la sameynaayo dadka deegaanka iyo waxgaradka gobolka Gedo, isagoo intaa raaciyay in fowdo lagu wado xaquuqdii iyo metelaadii dadka gobolka lahaayeen.

Wuxuu intaa raaciyay Kulane Jiis in isbaaro loo dhigtay 16-ka kursi ee gobolka Gedo, isagoo sheegay in dadka deegaanka looga baahan inay difaacdaan sharafkooda iyo metelaadii ay xaqa u lahaayeen lagana wada tashado si guud.

“Waxaa muuqada wixii aan idin kaga digeynay labadii sano e lasoo dhaafay, waxaan idin sheegeynay maanta ayey idin cad yihiin oo haddii sharafkiinii iyo metelaadii aad laheydeen lagu dhegan yahay, waxaa waajib nagu wada ah inaan ka tashano si guud,” ayuu yiri Kulane Jiis.

Khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ayaa salka ku haaya doorashada kuraasta 16-ka ee gobolka Gedo, taasoo ilaa iminka xal loo la’yahay.