Laftagareen oo weerar culus ku qaaday Rooble, una rogay xiisadda mid qabiil + Video

Baydhabo (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa si weyn u weeraray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo sheegay in uusan marnaba aqbaleyn isbaaro iyo baad siyaasadeed.

Laftagareen ayaa ku dooday in jidka loo taagan yahay oo si sharci darro ah uu Ra’iisul Wasaare Rooble u haysto kuraas kamid ah maamulkaas, si ugu badasho kuwa kale oo uu ka diiday, sida uu sheegay.

“Waxyaalaha aan diidanahay waxa waaye in shuruudo ay kamid yihiin hebel xildhibaan ma ka dhigeysa, waxaas ma bixineysa waa kusii deynayna. Marka maanta oo 2022-ka la joogo ma aqbaleyno in isbaaro iyo baad siyaasadeed nagula sameeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in Rooble danihiisa shaqsiga ah iyo kuwa saaxiibadiisa u dhow uga faa’iideysanayo doorashada maamulkeeda loo gacan galiyay, taasi oo uu ku tilmaamay wax aan marnaba laga yeeli kareyn.

“Anaga ma rabno nin gurigiisa (Rooble) ka shaqeeya in aan xildhibaan ka dhigno ee waxaa rabnaa in Nin Koonfur Galbeed u shaqeynaya inuu xildhibaan u noqdo. Haddii taas ay shaqeynayso kuwii guryahaaga ka shaqeynayay ee Boosaaso iyo deegaankii aad kasoo jeeday lagaaga soo diiday ayaa u rakaateyn laheyd.”

Waxa uu kusii daray hadalkiisa “Anaga marka nama qasbi kartid mana aqbaleyno in wax aysan Soomaali qabin korka nagala saaro, Aniga oo 20 sano jiro Isbaaro qori lagu wado ayaa diiiday maanta aniga oo 50 sano jira oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ah oo 2022-ka la marayo walaahi aan aqbaleyn.”

Laftagareen oo la fahamsan yahay in uu gadaal ka wado madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa hore xiriirkii ugu jaray Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah masuulka ugu sareeya ee wada arrimaha doorashooyinka.