Daawo: Geedi oo si weyn u difaacay Farmaajo, kadibna weeraray Shariif iyo Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Muane Cali Maxamed Geedi oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isaga oo diiradda saaray u diyaar garowga xuska maalinta ciidanka Xoogga ee 12-ka April.

Geedi ayaa shaaca ka qaaday in la siyaasadeynayo munaasabadda dabaal-degga malinta aas-aaska ciidamada Xoogga dalka oo u dabaal-dagaya sanad guurada 62-aad.

“Sanad guuradii 62-aad ee dhowr maalmood, kadib fooda nagu soo heysa ee 12-ka April dabaal-dageedii ayaa la siyaasadeynayaa waa la diidayaa qaarbaa waxay leeyihiin hala joojiyo, Yaa siiyey awooddaas?,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id Cali Maxamed Geedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu u arko dadka kasoo horjeedo arrintan inay diidan yihiin qaranimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Xoogga dalka Soomaaliyeed yaan la xusin yaan la xasuusanin anigu waxaan u arkaa qaran diidnimo Xoogga dalka Soomaaliyeed waa kuwa ilaaliya dastuurka, xuduudaha dhulka, cirka iyo badda,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu ammaan huwiyey, isla-markaana uu si weyn u difaacay Cali Geedi madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo shaaciyey inuu dhisay ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Cali Maxamed Geedi ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday madaxweynayaashii ka horeeyey Farmaajo ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif, isaga oo ku eedeeyey inay ka gaabiyeen dib u dhiska ciidanka iyo bixinta mushaaraadkooda, mudada ay joogeen.

“Madaxweyne Farmaajo waan uga mahadcelinayaa inuu heerkaas gaarsiiyey, isagaba waxaa lagu heestaa muxuu heerkaa u gaarsiiyey ciidanka? Madaxdii ka horreysay ee labadi dowlo iyada oo deymankii ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dowladda lagu leeyahay ayey meesha ka tageen,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey xuska maalinta 12-ka April ee Xoogga Dalka, iyada oo la sheegay inuu Farmaajo doonayo inuu ka dhigo 21-ka October, si uu u sameeyo dhoolatus weyn, maadaama lagu jiro xilli doorasho.