Waa kuma Maxamed Maahir – Ninka ay ka digtay NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa digniin qeyrul caadi ah oo ay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge ay ku magacaabeen Maxamed Maahir.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Markii uu baahay warka la xariira beegsiga mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka, ayay bilaabatay in dadku is weydiiyaan qofka uu yahay Maxamed Maahir, fuliyaha shirqoolka laga baqdinta qabo ee ay NISA sheegtay. 

Haddaba waa kuma Maxamed Maahir? 

“Magacu, magac buga in uu yahay waa suuragal, in qof been laga sheego iyaduna wax dhici kara weeyaan” sidaas waxaa yiri Cabdisalaan Guuleed, agaasime ku-xigeenkii hore ee Nabad-Sugida Soomaaliya ee NISA.

Dhanka kale Cabdisalaan waxa uu sheegay in uu tuhun sanyahay nin iska soo dhiibay Al-Shabaab sanadkii 2019-kii kaas oo qaybta sirdoonka Soomaaliya lagu daray 2020 kii isaga oo aan marin qabta dhaqan celinta dadka ka soo goosta Al-Shabaab. Labada magac ee danbe ee ninkaas ayuu ku sheegay Maxamed Maahir.

Cabdisalaan ayaa aaminsan in uu ra’iisul wasaaruhu ku jiro qatar dhab ah, oo ay suuragal tahay in lagu waxyeeleeyo xafiiskiisa ama munaasabad uu ka qayb gali doono.

Soomaaliya, ugub ma ahan in Al-Shabaab beegsadaan mas’uuliyiinta ugu sareysa ee dawladda, saddexdii madaxweyne ee ka horeeyay madaxweynaha hadda xilka haya ayaa ka badbaaday weeraro uga yimid Al-Shabaab, sidoo kale gudoomiyihii hore gobolka Banaadir Cabdraxmaan Yariisoow ayay ku dhex qarxiyeen xafiiskiisa. 

Maahirna ma ahan nin ay warbaahinta taqaano, ama kasoo dhex muuqday madaxda Al-Shabaab. Sidoo kale NISA kama aysan bixinin wax tilmaam ah, sawir ah iyo waliba xilka uu ka hayo Alshabaab. 

Maxay Al-Shabaab ka tiri Maxamed Maahir? 

Dhinaca kale, Xarakada Al-Shabaab ayaa iska fogeysay shirqoolka lagu sheegay qoraalkii kasoo baxay hay’adda NISA ee ahaa in kooxdan ay beegsaneyso madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta kooxda, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray NISA, isaga oo sheegay in NISA aysan awood u laheyn inay ogaato howlgal ay Al-Shabaab ku beegsaneyso mas’uuliyiinta dowladda.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Al-Shabaab, iskaba dhaaf inuu yahay sarkaal sare oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo.