Walaaca laga qabo qorshaha 12-ka April iyo abaabulka ciidan ee ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda abaabul ka dhan ah qorshe la aaminsan yahay inuu wado madaxweyne Farmaajo, kaas oo xogaha la helay ay sheegayaan in lagu soo beegayo 12-ka bishaan April oo ku asteysan sanad guurada ciidanka xoogga dalka.

Muddo Bil ah kooxda madaxweyne Farmaajo waxay wadaa abaabul ciidan oo dhanka Militariga ah, Saraakiil ay ku jiraan Biixi iyo Odawaa ayaa qeyb weyn ka ah qorshahaan.

Muddo seddex sano ah lama xusin maalinta ciidanka xoogga dalka, in hadda oo doorashadu gabagabo tahay lagu soo beego ayaana tuhun badan dhalisay.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa si iska soo horjeeda u bixinaya xogo ku saabsan waxa socda. Munaasabadda 12-ka April waa jirta sanadkaan, balse waxaa la sheegayaa inay ku hoos jiraan qorshooyin la rabo in dalka qalalaase cusub lagu geliyo.

Xubnaha u xil saaran munaasabadaan ayaan la xiriirnay, mid kamid ah Jananada u xilsaaran qaban qaabada munaasabadda 12-ka April wuxuu noo xaqiijiyey in aysan jirin wax ka dheeri ah dhoolatuska ciidanka ee dhacaya maalinta ay bashaani gaarto 12.

“Waa ogtahay dhowr sano lama qaban munaasabadda 12-ka April, waxaan go’aansanay inay sanadkaan si weyn u dabaal dagno oo aan soo bandhigno awoodeena, waxaan xiri doonaa laga soo bilaabo xerada TURKISOM illaa Habar-Khadiijo, dhinacaas markaa u dhaqaaqidna illaa wasaaradda gaashaandhigga, inta badan socodka magaalada waan joojin doonaa, inta uu dabaaldegaasi socdo,” ayuu yiri mid kamid ah madaxda ciidanka ee loo xil saaray diyaarinta munaasabadda maalinta ciidanka xoogga dalka.

Laakiin hoggaamiyaasha mucaaradka iyo saraakiisha taabacsan ee ciidanka xoogga ku jira waxay maalmahaan wadeen aqbaar taas ka duwan oo ah in laba xaaladood midkood uu ka fakarayo madaxweyne Farmaajo.

Mid waa in saraakiisha Militariga soo jeediyaan in doorashadii fashilmatay, dalkuna uu firaaq galay, sidaas darteedna ay Militarigu ammaanka caasimadda la wareegayaan inta la isaga imaanayo oo laga heshiinayo arrimaha doorashada.

Midda labaad ee mucaaradku ay qabaana waa in magaalada la rabo in la xiro 12-ka April illaa 14-ka April, si loo baajiyo dhaarinta xildhibaanada laba Aqal ee Baarlamaanka cusub oo la qorsheeyey inay dhacdo 14-ka bishaan

Inkastoo hadaladaan kala duwan oo ay bixinayaan saraakiisha Militariga ee kala taabacsan Farmaajo iyo mucaaradka, haddana caasimadda waxaa ka jira abaabul ciidan oo ay wadaan xubno siyaasiyiin ah oo taabacsan Ra’isul Wasaare Rooble.

Xubnahaan waxay sheegayaan inay macquul tahay inuu madaxweyne Farmaajo mar kale isku dayo inuu abuuro qalalaase cusub.

Kooxdaan waxay leeyihiin duulaan uma socono, laakiin waxaan rabnaa inaan u diyaar garowno haddii uu mar kale Farmaajo aado dhanka awoodda ciidanka.

Waxyaabaha shakiga 12-ka April xoojinaya waxaa kamid ah kooxda madaxweyne Farmaajo oo joojisay ololihii doorashada, dadka caasimadda Muqdisho ku nool ayaa iyaguna dareemaya cabsi la xiriirta hadal heynta 12-ka April.

Lama hubo inuu Farmaajo diyaarinayo inuu qaado tallaabo kale oo halis amni gelin karta dalka, laakiin marka la akhriyo sida ay kooxda u fakartay iyo ficiladooda shantii fano ee lasoo dhaafay ma jiraan wax aan macquul aheyn ayey leeyihiin falanqeeyaasha.