Qoor Qoor iyo xildhibaano Baydhaba u tegaya hadalkii carada ahaa ee Lafta-gareen

Baydhaba (Caasimada Online) – Wafdi xildhibaano kasoo jeeda Galmudug ayaa iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” ayaa u istaagay sidii xal loogu heli lahaa caqabadda doorashada ku hor gudban iyo sidii loo xalin lahaa tabashada maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano miisaan ku dhex leh siyaasadda, waxaana ka mid ah Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe, Dheg-dheer, Mahad Salaad iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Ujeedada safarka xildhibaanadaan iyo Qoor Qoor ayaa la xiriirto cabasho iyo eedeyn dhawaan uu jeediyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inuu isbaaro u dhigtay maamulka Koonfur Galbeed, si uu usoo saarto xildhibaano jeebka ugu jira sida uu hadalka u dhigaye.

Lafta Gareen oo si caro leh ula hadlay ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa si weyn ugu xumaaday qeybaha bulshada kadib markii uu aflagaadeeyey beesha ra’iisul wasaaraha, una rogay arrinta mid qabiil, hadalkaasi oo aan laheyn miisaanka siyaasadeed,

Hadalkaas ayaa waxaa durbadiiba ka jawaabay wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaale oo ku tilmaamay hadalka Lafta Gareen mid ka dhashay culeys siyaasadeed oo la saaray madaxweyne Lafta Gareen oo uu ula jeeday in Villa Somalia ay cadaadis ku hayso Lafta Gareen.

Wafdiga Qoor Qoor iyo xildhibaanada ayaa sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed kala hadli doono caqabadaha iyo dib u dhaca doorashada oo la filayay in xiligaan lasoo gabagabeeyo.

Xildhibaanada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa culeys lagu saaray inaysan isdiiwaan gelin isla markaana aysan qaadan aqoonsiga xildhibaanimo, iyadoo maamulka iyo Cabdcasiis Lafta Gareen ay ka careysan yihiin kuraasta guddiga doorashooyinka ay xayireen, kuwaasi oo lagu sheegay inaysan soo marin habraacii iyo shuruudihii doorashada.