Al-Shabab oo madaafiic ku garaacday saldhig ay ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya

Buurhakaba (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ay degmada Buurhakaba oo katirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen, madaafiicda qaar ayaa ku dhacay gudaha Xerada Ciidamada Itoobiya, waxaana jiro kuwa kale oo ku dhacay xaafado ay degan yihiin Shacab.

Inta la xaqiijyey Hal qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday halka 2 kalana ay ku dhaawacmeyn, lamana oga khasaaraha soo gaaray ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Itoobiya, isla markaana lagu dilay laba kamid ah Askarta Itoobiya Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Itoobiya dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bisha Ramadan weeraro qorsheysan ku qaado saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin Gobolada Dalka.