Xog: Kulankii Farmaajo iyo xildhibaanada Galmudug oo hal arrin la isku raacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaara Villa Somalia kula qaatay tiro Xildhibaano ah oo dhawaan sheegay inay xilka ka qaaden Hogaamiye Xaaf.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada kala hadlay xiisada kala dhexeysa Hogaamiye Xaaf oo ay dhawaan sheegen inay ka qaaden xilka uu hayo.

Farmaajo oo ku howlan xal u helida xiisada taagan ayaa Xildhibaanada uu la kulmay ka wareestay xaalada deegaanka iyo go’ aankii ay qaaten 26kii Bishii sagaalaad ee xilka looga qaaday Xaaf.

Xildhibaanada ayaa Farmaajo u sheegay sababaha ay go’aanka u qaateen waxaana markii dambe la isku raacay in la raadiyo xalka Galmudug.

Farmaajo ayaa xildhibaanada ka dalbaday inay qoorta dhiibtan isla markaana ku qancaan dadaalada ay wadaan si looga dhabeeyo xalka Galmudug.

Yuusuf Axmed Ciyow oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Xaaf iyo wadada ay u mareen.

Xildhibaan Ciyow, wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyay in xiisada Galmudug laga galo dib u heshiisiin.

Sidoo kale, kulan kale oo si rasmi ah loogu soo afjarayo Xiisada iyo khilaafka Galmudug ayaa lagu balamay waxaana kulankaas Iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ula kulmay dhamaaan Madaxda Galmudug waxayna arimahaan oo dhan muujinayaan sida ay uga go’antahay Madaxweynaha Daganaanshiyaha Soomaaliya gaar ahaan buuqa ka taagan Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com