Xog: Kullankii Xasan Sheekh iyo Damu Jadiid oo lix qodob lagu go’aamiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxtooyada uu ka dhacay Kullan xasaasi ahaa oo u dhexeeyay Madaxweyne Xasan iyo Xubnaha Dam-Jadiid ugu jira Dowlada Federaalka Somalia.

Warkan ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in kulanka uu ahaa mid lagu lafa-guraayay qaabka ugu haboon uguna macquulsan ee lagu sii xoojin karo Mooshinka Ra’isul wasaare C/weli ee iminka miiska saaran.

Mooshinka ayaa waxaa gadaal ka riixaaya Wasiiro iyo Siyaasiyiin ay kamid yihiin C/kariin Guuleed, Faarax C/qaadir, Xalane, Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dam-Jadiid.

Inta uu Kullanka socday Xassan Sheekh iyo Mas’uuliyiintaasi ayaa isla meel dhigay Qodobada soo socda:-
1 – In muddo 10-20-maalin gudaheeda lagu soo afjaro Mooshinka Ra’isulwasaare C/weli.
2 – In Mooshinka uu banaanka ka joogi doono Xasan Sheekh, maadama ay dhaceyso xukuumadiisa.
3 – Haddii lagu guuleysto Mooshinka in la xaal-marin doono shaqsiyaadka loo xil saaray Mooshinka.
4 – In la kulmiyo Xildhibaanada iyo Wasiirada, islamarkaana Fulinta Mooshinka laga iibiyo, toddobaad gudihiis..
5 – In shacabka iyo Xisbiyada Mucaaradka ah laga dhaadhacsiiyo in dalka uu kusoo wajahan yahay Doorasho, C/weli Sheekh-na uusan u qalmin xilka intaan kasii badan.
6 – In dhaqdhaqaaqyada xafiiska Ra’isul wasaaraha la xadido, islamarkaana lagu dhex beero xubno ka tirsan Dam-Jadiid ka hor inta aan Mooshin lagu ridin.

Sidoo kale, inta uu kullanka socday, ayaa waxaa leysla meel dhigay in la kala qaad-qaado Xildhibaanada Beelaha soomaaliyeed, islamarkaana lagu qiimeeyo tiradooda.

Waxaa kamid ah Xildhibaanada sida gaarka ah ay u xuseen Xildhibaanada Beelaha Kablalax in ay kala shaqeyn doonaan Mooshinka, waxaana Ballan looga sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ballan qaaday inuu ka dhigi doono R/wasaare.

Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxaa laga yaabaa xataa Xildhibaanada Beesha Sade oo uu ka dhaashay in Laaba kamid ah oo kaliya ay cod siiyaan.

Dhinaca kale Ra’isuwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxaa hubaal ah in Xildhibaanada Beesha Hawiye ay siin doonin wax cod ah marka la horgeeyo Baarlamaanka federaalka halka weli ay kala qeybsan yihiin Xildhibaanada Direed, balse laga yaabo ugu dambeynta inay noqdaan dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xaaladda ayaa u muuqata mid si aad ah ugu xun ra’iisul wasaaraha, ayna u badan tahay in laga adkaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com