Xog cusub: Xagee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo MUUNGAAB iska arkeen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Mungaab iyo madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa ka dhex aloolsan khilaaf horseedi doona in Muungaab uu xilkiisa waayo, ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay.

Muungaab oo ah nin dhalinyaro ah oo saaxada siyaasada ka soo galay dhanka ciidamada ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay ama ugu yaraan ku xiran yahay dawladii hore ee KMG ahayd hogaankeeda, taasoo dadka u yaqaaneen “Aala Sheekh”.

Ilo wareedka ayaa xusay in halka madaxweynaha iyo Muungaab iska arkeen ay tahay ololayaal siyaasadeed oo la sheegay in Mungaab uu gaarkiisa u wato kuna doonayo inuu kaga qeybgalo doorashada madaxtinimada 2016, taasoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qudhiisu uu u sharaxan yahay.

Ololaha Mungaab ayaa dhowaan bannaanka yimid kadib markii uu hadallo ka jeediyey safaro uu ku tagay wadamada Sweden iyo Turkiga, sida laga soo xigtay ilo wareedka Caasimada Online.

La taliyaasha Villa Soomaaliya ayaa ku qanciyey madaxweynaha inuu isbedel ku sameeyo maamulka Gobolka Banaadir ee hadda jira ugana faa’ideysto deminta ololaha doorasho ee uu Muungaab hadda bilaabay, kaasoo loo arkay inuu caqabad weyn ku noqon karo ololaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada 2016 oo dabcan u baahan in qofkii Muqdisho maamulkeeda haya uu gacan ka geysto, maadaama ay tahay xarunta dalka doorashadana ka dhacayso.

Kulan toddobaadkan ka dhacay hoyga Imaamka Guud ee Mudulood uuna ka qeybgalay C/laahi Sanbaloolshe ayaa nuxurkiisa lagu sheegay in Imaamka lagu qancinayey inuusan ka hor imaan xil ka xayuubinta ku iman karta Muungaab, maadaama Sanbaloolshe oo reer Hiiraan ah loo dhiibi doono xilka Muqdisho, taasoo beelaha Muqdisho qaarkood ay ka caroon karaan.

Si kastaba, ka hor imaadka beelaha ay ka hor iman karaan isbedelada dawladu wado ayaa ah kuwo ka yar intii hore, waxaana taaso loo sababeynayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowaanahan ku tumanayey xuquuqda beeshiisa, ayaguna ay ka aamusnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com