QEYBDIID oo shaaciyey sir ku saabsan qorshe ay PUNTLAND damacsan tahay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa sheegay in Sababaha uu Maamulka Puntland Colaadda uga hurinayo Gobolka Mudug uu yahay qorshe ah sidii uu u fashilmi lahaa Shirka Cadaado.

“Puntland waxay u abuurayso Xaaladda Dagaal si uu u baaqdo Shirka Cadaado ee Maamulka loogu samaynayo Galgaduud iyo Mudug, sababta aan taasi u leeyahay ayaa ah waxay xirtay Garoonka si gaar ah loo leeyahay iyadoo ku andacoonaysa in Wafdi Federaalka ka tiran uu imaanayo Gaalkacyo,” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Wuxuu sheegay in Garoonka C/llaahi Yuusf uu yahay mid Qaranka uu leeyahay, islamarkaana uu diiday Maamulka Garoowe in Garoonka uu noqdo mid u dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed, isagoo dhanka kale tilmaamay in Maamulkiisa xayiraadda ka qaaday Garoonkaasi markii Codsi uga yimid DFS.

“Puntland waxay islahaysiisay Garoonka C/llaahu Yuusuf oo Qaranka uu leeyahay, iyadoo ku andacoonaysaa wax aan jirin oo ah in Wafdigayga uu la socday Xubno kamid ah Dowladda Federaalka, oo uu C/wali Gaas sheegayo inuu xariirka u jaray,” ayuu raaciyay C/qeybdiid.

Dhan kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay Dowladda Dhexe inay Wafdi Xaqiiqo raadis ah u dirto Gaalkacyo, si ay u baaraan dhanka Colaadda iyo Daandaansiga wado.

Madaxweyne Cabdiqeybdiid wuxuu ka codsaday Bulshada Calaamka iyo Dowladda Soomaaliya inay soo diraan Wafdi kala saara, Yaa Garoonada Xaq u leh, yaa awood u leh inay joojiyan Safarada Diyaaradaha?

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com