Xog: Axmed Madobe oo duulaan ku ah shirka beesha Sade ee gobolka Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe uu wado qorsho dagaal ka dhan ah shirka ka furmaayo Gobolka Gedo.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Ujeedka dagaalka uu yahay mid looga soo horjeedo shirka halkaasi ka furmaayo.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in ku dhawaad 8 gaadiidka nooca loo yaqaan Cabdi-bilaha ay diyaar garoow ugu jiraan duulaan ay ku qaadan Gobolka Gedo, waxaana la soo warinayaa in Dagaalkaasi ay hogaamin doonaan Saraakiil kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Qorshaha Weerarka ayaa kusoo beegmaya xili maalmo ka hor uu Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba Gen. Fartaag ku goodiyay inay talaabo adag qaadi doonaan waa hadii shirkaasi la joojin waayay.

Fartaag waxa uu shirkaasi Gedo ku tilmaamay mid aan caafimaadka Jubba ku jirin, wuxuuna cadeeyay in mowqifkooda uu yahay dagaal lagu joojinaayo shirka.

Si kastaba, wararka qaar ayaa sheegaya in Fartaag uu afka un shirkaas ka mucaaradsan yahay, balse si hoose uu uga mid yahay dadka wax ka wada, mana cadda cidda uu Axmed Madoobe adeegsan doono, haddii ay caddaato in Faartaag uusan colaad ku hogaamin doonin tolkiisa.

Lama shaacin weli goorta uu duulaanka dhacaayo, balse warar hoose ayaa tilmaamaya inuu noqon doono mid lala kawsado shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com