XOG: R/W C/WELI oo u tagaya Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dalka C/Weli Sheekh Axmed, ayaa xaqiijiyay in Raiisul wasaaraha maalmaha soo socda uu ku wajahan yahay Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ujeedka socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in halkaasi uu uga qeyb geli doono wada-hadal u furmaya DFS iyo Maamulka Puntland oo mudooyinkaani isku khilaafsanaa Siyaasado hoose.

Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa iminka ku howlan diyaarinta madashii lagu qaban lahaa shirka labada dhinac oo furmi doono horaanta bisha soo socota ee Octobobar.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare C/weli ayaa horay u shaaciyay inuu gaari doono Magaalada Garoowe, isagoo hadalkaas ka sheegay xili uu ka hadlaayay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu qabtay Landon todobaadkii lasoo dhaafay.

Socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu sidoo kale xal ugu raadin doono Colaadaha xiligaani ka dhex aloolsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo saan-saantiisa laga dareemaayo Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ee uu Madaxweynaha ka yahay C/weli Gaas, ayaa horay u shaaciyay inay jartay xiriirkii kala dhexeeyay Dowladda federalka Somalia, waana tan keentay in Ra’isulwasaare C/weli iyo Wafdi uu Hogaaminaayo gaaran Magaalada Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com