Sawirro: Geedi oo socdaal ku maraya Yurub, gaar ahaan Sweden iyo Finland

Wefdiga uu hogaaminayey Rasal wasaarihii hore ee Somalia Prof Cali Maxamed Geedi ayaa la kulmay Wasiirka Is-kaashiga Caalamiga ee wadanka Finland mudane Pekka Haavisto, ahna Ergeyga qaabilsan Arrimaha Barriga Africa ee dowlada Finland.

Prof Geedi ayaa sharaxay xaalada guud ee wadanka Soomaaliya, gaar ahaan xaalada amaanka ee dalka uu ku sugan yahay. Waxyaabaha kale ee wefdiga iyo wasiirka ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa sidii loo taageeri Lahaa In dadka soomaaliyeed ee aqoonta leh lagu dhiirageliyo Ka qaby qaadashada dibu dhiska wadanka.

Prof Geedi ayaa wada fikir ah in uu dhagaysto Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee reer Finland iyo Sweden.

Dalada jaaliyadaha Puntland ee reer Finland ayaa sanadkasta casuuma madaxda sharafta ku leh bulshada dhexdeeda Soomaaliyeed sida Rasal wasaarayaasha Taageersan in Soomaaliya si nabad looga dhaliyo midnimi iyo caddaalad

ge1ge2ge3ge4.