DF SOOMAALIYA oo is ammaantay !!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda fedaraalka, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh Maxammuud ay tusaale fiican u tahay horrumarka dalka.

Isagoo ka hadlaayay barnaamijka hiigsiga cusub ee New Deal oo shaley ka furmay magaalada Muqdisho ayuu sheegay dowladda fedaraalka ee imminka jirtay in ay qabatay wax yaabo badan oo aad ammaan u leh.

Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda fedaraalka, Ridwaan Xirsi Maxamed
Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda fedaraalka, Ridwaan Xirsi Maxamed

Wuxuu sheegay intii ay jireen dowladihii kumeel gaarka iyo wixii ka horeeyay shirarkii hore ee dhacaayay in badi ay gacanta ku hayeen dowlado ama hey’addo shisheeye kuwaasoo maslaxadooda ka eeganayay halkaas balse maanta shir kasta iyo cidda wada ay tahay dowladda ayuu yiri.

Wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dowladda maanta jirta ay muujisay in ay hoggaan u noqon karto dalka isla markaana marka sannadka uu yahay 2016-ka ay doorasho xor ah ay ka dhici karaan gobalada dalka oo dhan.

Wuuxu tusaale u soo qaatay in madaxweynaha, baarlamaanka iyo dhammaan hey’adda dowladda lagu doortay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale in shirka laga doonayo in ay ka soo baxaan qodobbada Soomaaliya ay hor dhigayso shirka la qorshaynayo in bisha November ee sannadkan uu ka furmo magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Ugu dambeen, dhammaan ergooyinka ku sugnaa shirka New Deal ee ka socda Muqdisho ayuu ka codsaday in ay taageeraan dowladda fedaraalka si ay u gaarto qorshaha ay lee dahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com