Wada-hadal loo furayo Puntland & Gal- Mudug (Yaa wada qorshahan cusub?)

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumada Somaliya Saciid Jaamac Maxamed (Qoorsheel), ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Wasaaradiisa ay wada hadalsiineyso Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Maamuladaan, ayaa waxay isku hayaan isticmaalka iyo Maamulka Garoonka Magaalada Galkacyo, taasoo dhalisay in maalmihii la soo dhaafay uu xayiraado ku yimaado duulimaadyadii caadiga ahaa, ee ka jiray Garoonka Galkacyo.

Wasiirka, ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradiisa ay ku shaqo lee dahay murunka ka dhashay Garoonka Galkacyo, isla-markaana ay diyaar u tahay in ay isku soo dhaweyso labada dhinac.

Wasiirka waxa uu labada Maamulba ugu baaqay in Guddiyo u soo dirsadaan Magaalada Muqdisho, si ay ugu matalaan wada hadalada oo uu ugu baaqay inay yeeshaan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Isagoo Saxaafada kula hadlaayay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku celceliyay inaanay wax faa’iido haba yaaatee lahayn in la wada dagaalamo, haddii dagaalada sokeeye ay dadku ka daalleen.

Sidoo kale waxa uu labada dhinacba uu ugu baaqay inay joojiyaan waxyaabaha sababi kara in la wada dagaalamo, iyadoona uu midba midka kale uu ugu baaqay in nabadda uu ka shaqeeyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Galkacyo, ayaa sheegay in Galmudug ay dooneyso in si siman loo wada isticmaalo Garoonka Magaalada Galkacyo, maadaama uu ku sheegay mid ka dhaxeeya dadka degga Koonfurta iyo Waqooyiga Galkacyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland C/weli Xersi Cabdulle, ayaa sheegay inaanay Puntland wax gorgortan ah ka geli doonin Maamulka Garoonka Galkacyo, iyadoo uu ku sheegay mid uun qayb ka ah Garoomada Garoowe iyo Boosaaso, oo si buuxdo ay Puntland kaga arrimiso.

Isha: Dhacdo.com