QARAX khasaaro geystay oo ka dhacay BELED-XAAWO + Faah-Faahin buuxda

Muqdisho (Caasimada Online)-Faah-Faahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax xoogan oo galabnimadii shalay ka dhacay goob lagu qaxweeyo oo ku taalla Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan islamarkaana dhawaqiisa laga maqlaayay Degmada waxaana loo badinayaa inuu ahaa mid lagu sii diyaariyay Goobta.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku nafwaayay ilaa iyo Seddex ruux oo la sheegay inay kamid ahaayen dadka Goobta ku caweynaayay, halka Laba kalane uu kasoo gaaray dhaawac culus

Qaraxa ka dib, ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Saldhiga Dhexe ee Degmada Beled Xaawo, waxaana soconaayo dadaalo lagu baadi goobaayo dembiile-yaashii qaraxa geystay.

Qaraxa ayaa waxaa ka hadlay Cismaan Koofi oo ah Taliyaha Booliska ee Degmada Beled Xaawo, waxa uuna xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid weyn balse uu yaraa Khasaaraha uu geystay.

Dhanka kale, waxa uu Cismaan Koofi xaqiijyay inay weli ku daba jooggaan kuwii dhibaatada ka geystay Beled Xaawo, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com