Xog: Ujeedka xildhibaano & ganacsato caan ah oo shalay Garbahaarey tagay

Garbahaareey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay shalay gaareen wafdi isugu jirta xildhibaanno iyo ganacsato kuwaasoo ka qeybgalaya shirka halkaas ka dhacaya.

Afhayeenka shirka Garbahaareey Cabdi Shire Jaamac (Cayaar Jecel)oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiga yimid magaalada uu hor kacaayo xildhibaan Cabdinaasir Maxamed Garjeex iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda iyo ganacsato caan ah.

Wuxuu sheegay in wafdiga ka yimid Muqdisho ay qeyb ka yihiin ka qeyb galayaasha shirka ka dhacay Garbahaareey isagoona intaas ku daray in si weyn loo soo dhaweeyay wafdiga.

Mar la weydiiyay wax yaabaha dib u dhigay shirka oo lagu waday in uu furmo 20ka bishan, wuxuu tilmaamay in arrimo farsamo ay jiraan iyo xaaladdo abaaro oo gobalka meelo badan ka taagan kuwaasoo aan suurgalineynin in shirka uu qabsoomo.

Wuxuu sheegay oo kale in diyaaradaha keeni lahaa ergada qaar ay dib u dhaceen marka sidaas uu shirka dib ugu dhacay.

Si kastaba, maamulka Axmed Madoobe ayaa horrey uga digay dadka ku howlan shirka Garbahaareey in ay ka laabtaan go’aankooda oo wax shir la dhaho aanu lagu qaban karin magaaladaas.

Ma cadda sida shirka Garbahaareey uu ku dhici karo iyadoo uu jirro hanjabaad ka timid madaxweyne ku xigeenka maamulka kumeel gaarka ee Jubba Fartaag oo qudhiisa ka soo jeeda gobalka Gedo.

Dad badan ayaa aaminsan in shirka Garbahaareey uu culeys ku noqon doono shirka dib u heshiisiinta ee immanka ka socda Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com