Shirka Cadaado oo mucaarad hor leh la kulmay (Sidee ayey wax u socdaan)

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) – Kaddib markii uu qaadacay maamulka Puntland shirka lagu dhisaayo maamul u sameenta gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa soo baxaya dhinacyo kale oo diiddan shirkaas waxaana ka mid ah Ahlu Sunnada gobalada dhexe.

Magaalada Dhuusamarreeb waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen waxgarad, siyaasiyiin, odayaal, haween iyo dhallinyaro waxaana ay si cad ah uga soo horjeesteen in shirka lagu dhisaayo maamulka gobalada dhexe lagu qabto magaalada Cadaado.

Dhammaan dadka ka soo qeybgalay kulanka waxay cambaareeyeen dowladda fedaraalka iyo beesha caalamka oo ay ku eedeeyeen in aysan rabin maamul lagu mideesan yahay oo loo dhiso gobalada dhexe.

Waxay sheegeen dowladda in ay ku qaldan tahay iyadoo gogol la dhigay Dhuusamarreeb in la dhaho shirka waxa uu ka dhacaya Cadaado.

“Ma dooneyno in shir kale oo caqabad ku ah Dhuusamarreeb lagu qabto Cadaado” ayey ku dhawaaqayeen haween iyo dhallinyaro ka hadlay kulanka.

Ururka Ahlu Sunna ayaa ka soo horjeeda shirka ka dhacaya Cadaado ee la rabo in lagu dhiso maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Dhuusamarreeb

Caasimada@live.com