Xog: Dooni sida hub culus oo Marka ka dhaqaajisay kuna sii Jeeda Hobyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya Magaalada Marka ee gobolka shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in Dooni sida Hub nooca culus oo kasoo dhaqaajisay Marka ay ku wajahan tahay Degmadda Hobyo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Doonida ay sido Hub casri ah, iyadoona ay warar hoose tibaaxayaan in Hubkaasi ay bixiyeen xubno ku beel ah Qeybdiid, islamarkaana looga deeqay Maamulka Galmudug ee uu Hogaanka u haayo Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

Bixinta Hubka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili dhawaan uu Maamulka Puntland uu xayiraad saaray garoon diyaaradeed oo Gal-Mududg ay ku leedahay koonfurta Gaalkacyo, taasi oo xiisad ka dhex oogtay labada dhinac.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid), ayaa maanta sheegay inuu ka laabtay go’aankii uu isna ku xayiray garoonka diyaaradaha waqooyiga Gaalkacyo, ayada oo ay u muuqato in Qeybdiid uu weli nabad wax ku raadinayo..

Beelaha Habar-Gidir iyo Majeerteen, ayaa ciidamo soo dhoobay Gaalkacyo, ayada oo laga cabsi qabo inay meel xun gaarto xiisaddii maamulka Puntland uu abuuray ee Gal-Mudug ay ku qeexday “daan-daansiga”.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com