Shirkadaha gaarka ah ee Muqdisho oo DFS ay ku amartay laba arrin oo adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa amar culus dul dhigtay ilaalada shirkadaha gaarka loo lee yahay ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga qaranka, Maxamed Cismaan Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkadaha gaarka ay qasab ku tahay ilaalada u shaqeeya aaney u muuqaal ekaan  ciidamada dowladda ama labiskooda ay qaataan.

Wuxuu sheegay oo kale in ilaalada shirkadaha loo oggol yahay kaliya qoriga AK47 isla markaana hub kale aaney qaadan karin.

“Ilaalada u shaqeeya shirkadaha gaarka loo lee yahay waxaa qasab ku ah  in ay qaataan astaan gooni ah oo aan u ekeen kuwa ciidamada qaranka, waana loo oggol yahay kaliya AK47” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga.

Afhayeenka wasaaradda amniga wuxuu sheegay oo kale in ay wadaan qorshe lagu diiwaangalinaayo ilaalada shirkadaha gaarka isla markaana faraha laga qaadayo si loo ogaado dhaqdhaqaaqooda.

“Waxaan rabnaa in budad lagu ilaaliyo shirkadaha iyo suuqyada musataqbalka dhow si looga maarmo hub” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan meel marisay sharciga xakameynta hubka sharci-darrada waxaana sharcigaas uu horyaallaa baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com